Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa maanta si rasmi ah ugu qaabilay magaalada Doha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan MaxamedCabdillaahi(Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo arrimaha bini’aadantinimada.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo ballanqaaday in Qatar diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.




From the comments