U bood dhigaalka

Ugu yaraan 4 qof oo ku dhintay doon ku qalibmantay dalka Indonesia 

Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen halka in ka badan 30 qof weli la la’yahay, kaddib markii dooni rakaab siday ay ku degtay badda, wax yar kaddib markii ay ka ambabaxday dekedda Banyuwangi ee gobolka Java ee bariga dalka Indonesia.

Hay’adda badbaadinta iyo gurmadka degdegga ah ee Indonesia ayaa xaqiijisay in doontqasi ay siday 65 qof, islamarkaana howlgal ballaaran oo samata-bixin ahi uu hadda socda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ilaa hadda la helay 23 qof oo badbaaday, iyadoo 38 qof weli lagu la’yahay badda,Taliyaha booliska magaalada Banyuwangi ayaana tilmaamay in qaar ka mid ah dadka la badbaadiyay ay markii hore ahaayeen kuwa miyir beelay, kadib saacado ay badda ku dhex sabeynayeen.

Madaxweynaha cusub ee Indonesia, Prabowo Subianto, oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya, ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in si dhakhso ah loo fuliyo gurmad qaran, sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu siidaayay xoghayaha golaha wasiirrada, Teddy Indra Wijaya.