Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay gobollada Sanaag iyo Sool.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro deegaannadaas, isla markaana aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaysa in arrintaasi dhab tahay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya wax ciidan ah ma aysan geyn gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyn lahaa na ma jirto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in eedeymaha ay jeedinayaan qaar ka mid ah shaqsiyaadka siyaasadeed aysan ku salaysnayn wax caddeyn ah, ee ay yihiin hadallo ay ka muuqato tabar darro iyo awood la’aan ay ku hor istaagaan rabitaanka dadka deegaanka.




From the comments