U bood dhigaalka

Khasaaraha ka dhacay dibadbaxyadii ka dhacay dalka Kenya oo sii kordhaya

Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ka dhacay dalka Kenya ayaa sii kordhaysa, ayadoo la xaqiijiyay in geeridu hadda ay marayso ilaa shan qof, ka dib markii hal qof lagu toogtay deegaanka Kiritiri ee ismaamulka Embu.

Sidoo kale magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado, nin 21 jir ah ayaa lagu toogtay, halka saddex kale lagu dhawaacay rasaas culus oo ay booliisku rideen, waxaana dadkaas si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka Kitengela Subcounty.

Rabshadihii ugu darnaa ayaa saacado ka hor ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, ayadoo booliiska iyo bannaan-baxayaashu ay goobo dhawr ah isku fara-saareen.