Dhismaha waddada 26-ka June ee Degmada Hodan wuxuu leeyahay muhiimad weyn oo la xiriirta isku socodka, amniga, iyo horumarka bulshada. Waddadan ayaa ah mid xiriirisa laba isgoys oo aad muhiim u ah Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi kuwaasoo si joogto ah u isticmaalaan dad badan, ganacsato, iyo gaadiid kala duwan.
Roobabkii dhowaan da’ay ayaa waddadan burburiyay, waxana ka dhashay hakad weyn oo dhinaca isku socodka ah, taasoo si toos ah u saameysay nolosha dadka deegaanka.
Mashruucan waxa uu sidoo kale xoojinayaa kalsoonida shacabka ee ku aaddan maamulka gobolka, maadaama la arkayo in canshuurihii ay bixiyeen ay noqdeen kuwo si hufan loogu adeegsanayo mashaariic muhiim u ah bulshada.




From the comments