Qatar oo wada-hadallo u furaysa dowladda DRC Congo iyo jabhadda M23

Dowladda Qatar ayaa wada-hadallo nabadeed u billaabaysa dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo jabhadda dalkaas ka dagaalanta ee magaceeda loo soo gaabiyo M23.
Wakaaladda wararka ee France Press oo soo xiganaysa ilo diblumaasiyadeed oo xog ogaal ah, ayaa sheegtay in Qatar ay martigelinayso wada-hadallo cusub oo u dhaxeeya dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) iyo kooxda hubeysan ee M23.
Wada-hadalladan ayaa ka dhacaya magaalada Doha, waxaana lagu wadaa in ay dib u furaan rajadii laga qabay heshiis nabadeed oo waara, iyadoo lagu xoojinayo heshiiskii la gaaray dhammaadkii bishii June, kaas oo u dhexeeyay DRC Congo iyo Rwanda.
Wareeggan cusub ee wada-xaajoodka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo horseedi kara xasilooni siyaasadeed iyo joojinta colaadda muddada dheer ka taagneyd bariga Kongo, halkaas oo dagaallo culus ay sababeen barakaca tobanaan kun oo qof.
Qatar ayaa kaalin muuqata ka ciyaareysa sidii ay u sii wadi lahayd dadaallada dhexdhexaadinta, iyadoo si dhow ula shaqeyneysa Midowga Afrika iyo beesha caalamka, waxayna Doha muddooyinkii dambe si firfircoon uga shaqeyneysay sidii ay u hormarin lahayd wada-xaajoodka u dhexeeya labada dhinac.
Jabhadda M23 oo ka soo farcantay koox hubaysan oo horay loo oran jiray CNDP ayaa dowladda Congo la dagaallamaysay taniyo sanadkii 2012-kii, waxayna dhawr qabsatay gobolka Kivu-da waqooyi, gaar ahaan magaalada Goma.