U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Nigeria oo geeriyooday

Sheeko:War

Madaxweynihii hore ee Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala London isagoo 82 jir ah, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa la sheegay inuu u safray UK bishii Abriil si uu baaritaan caafimaad oo caadi ah u sameeyo laakiin markii dambe uu xanuunsaday. Sababta dhimashadiisa ayaan wali si rasmi ah loo shaacin balse waxa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad 8-dii sano ee uu xilka hayay.

Mr Buhari ayaa taariikhda galay sanadkii 2015-kii isaga oo ahaa musharraxa mucaaradka ugu horeeyay ee ka adkaaday mas’uul xilka haya, kuna guuleystay madaxtinimo isagoo ballan qaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa iyo amni darrada.

Buhari oo aha askari hore ayaa afgambi milateri ku qabsaday dalka sanadkii1983-kii, wuxuuna xukunka hayay muddo labaatan bilood ah ka hor inta aan looga qaadin afgambi kale.