Militariga maamulka Israa’iil ayaa qirtay inay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen dadka rayidka ah ee marinka Qasa, gaar ahaan haweenka iyo carruurta si looga hor istaago ku laabashada guryahooda.
Warbixin uu daabacday website-ka garabka bidix ee Israa’iil ee “Sicha Mekomit” ayaa lagu sheegay in askarta Israa’iil ay qirteen in ay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen caruur iyo dad waaweyn oo Gaza ku sugan.
Warbixinta ayaa lagu macneeyay in ciidamadu ay u bedeleen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka qalab rayidka lagu weeraro, iyagoo adeegsanaya aalad lagu tuuray bambooyinka gacanta, si dadka marinka Qasa loogu qasbo Ka tagista xaafado gaar ah ama ka-hortagga inay ku soo noqdaan guryahooda.




From the comments