Khasaaraha ciidanka Israa’iil ka soo gaaraya dagaalka Qasa oo kordhaya

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa wajahaya iska caabintii ugu adkayd, ayadoo xoogagga falastiiniyiintu ay si maalinle ah u khaarijinayaan saraakiil sar sare oo militariga Israa’iil ka tirsan.
Saacado yar ka hor ciidanka Israa’iil waxay ku dhawaaqeen in la diley saddex askari oo ka tirsan guutada 401-aad, islamarkaana uu dhaawac halis ahi soo gaaray sarkaal sare, kadib dagaallo xooggan oo ka dhacay waqooyiga marinka Qaza.
Idaacadda ciidamada Israa’iil oo soo xiganeysa ilo milateri ayaa sheegtay in saddexda askari lagu dilay gudaha taangigooda oo yaallay deegaanka Jabalia ee waqooyiga Qaza, waxaana ciidanku ay xaqiijiyeen in hadda aysan awoodin inay ogaadaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay qaraxa taangiga iyo dhimashada askarta.
Dagaalka marinka Qasa oo socda in ka badan 21 bilood Israa’iil weli wax guul ah kama gaarin, markii laga reebo gumaadka kumannaan Falastiiniyiin ah iyo go’aamin aan taariikhda dunida horay u soo marin oo ay ku samaysay dadka ku nool Qasa.