U bood dhigaalka

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Deegaanka Jubbaland oo Muqdisho ku Geeriyooday

Sheeko:War

Muqdisho – Alle ha u naxariistee, waxaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Marxuum Maxamuud Cabdinuur (Beerxaani).

Marxuumka ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla caasimadda Soomaaliya, halkaas oo uu xaalad caafimaad ugu jiray. Inkastoo dadaallo caafimaad lagu sameeyay, nasiib darro wuxuu maanta u geeriyooday xanuunkii uu u jiifay.