Labo Maxbuus oo Dil Ku Xukumnaa oo Ka Baxsaday Xabsiga Qardho
Sheeko:War

Qardho – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ayaa sheegaya in labo maxbuus oo ku xukumnaa dil toogasho ah ay saaka ka baxsadeen xabsiga weyn ee magaaladaas.
Ilo amni oo ku sugan Qardho ayaa sheegay in aan wali la ogaan habka ay maxaabiistu ku baxsadeen, iyadoo aan la helin wax war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Puntland.
Baxsashada maxaabiistan oo u muuqata mid si xeel dheer loo abaabulay ayaa cabsi ku abuurtay bulshada deegaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dhammaan ciidamadii waardiyaha ka ahaa xabsiga xalay la xiray, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo cidda ku lug lahayd dhacdadan.
Mas’uuliyiinta ammaanka weli kama aysan hadlin arrintan.