Khasaaraha ka dhashay dagaallada socda gobolka Suweydaa ee koonfurta dalka Suuriya ayaa sii kordhaya, xilli walaac xooggan laga qabo inay xaaladdu faraha ka baxsan oo colaad sokeeye dib u qaraxdo.
Wasaaradda Caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in iska hor imaadyada maalmihii la soo dhaafay ka socda Suweydaa lagu diley 260 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 1,698 kale, welina ay dhacdooyinku sii socdaan.
Dagaallada ayaa u dhexeeya qowmiyadda Duruusiga iyo qabiillo carab ah, ayadoo ay wararku sheegayaan in ciidamada dowladdu aanay qeyb ka ahayn, ka dib markii ay duqeymo xooggan kala kulmeen dhinac Israa’iil oo u hiilinaysa Duruusiga laga tirada badanyahay.




From the comments