Boqolaal maleeshiyaad Duruusiga Israa’iil ah oo ku sii qulqulaya Suuriya

Boqolaal maleeshiyaadka Duruusiga ah ee ku sugan Israa’iil ayaa ku sii qulqulaya gudaha dalka Suuriya, gaar ahaan gobolka Suweydaa si ay ugu biiraan dagaalka aaggaas ka socda.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in tobanaan Israa’iiliyiin ah oo intooda badan ka soo jeeda beesha Druze ay u gudbeen dhulka Suuriya xilli habeen ah meel u dhow magaalada Majdal Shams ee ku taal buuraha Golan Heights ee la haysto, iyagoo u adeegsaday rabshado ka dhan ah askarta iyo ilaalada xuduudaha oo isku dayay inay joojiyaan, ka hor inta aysan dib ugu laaban gudaha.
Maamulka Israa’iil ayaa si weyn u taageeraya kooxda duruusiga oo dagaal adag kula jirta qabaa’ilka carabta ee koonfurta Suuriya, ayadoo maleeshiyaadka Duruusigu ay beegsanayaan carruurta iyo dumarka, islamarkaana ay diideen xal ay wadeen dowladaha gobolku oo la doonayay in rabshadaha lagu soo afjaro.
Dowladda Suuriya oo dhowaan shaacisay xogta khasaaraha ka dhashay qulqulatooyinka ka socda gobolka Suweydaa ayaa sheegtay in ku dhowaad 300 oo qof ay halkaa ku dhinteen, halka in ka badan 1,600 oo kalena ay ku dhaawacmeen.