Dowladda Iran ayaa wada-hadallo cusub la galaysa midowga yurub, ayadoo laga arrinsanayo barnaamijka nukliyeerka dalkaas todobaadyo uun ka dib dagaalkii dhex maray Israa’iil iyo Tehran iyo duqeymihii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran.
TV-ga dowladda Iran ayaa sheegay in Tehran ay ogolaatay in ay ka qeyb-gasho wareeg cusub oo wada xaajood ah, kaas oo ay la yeelanayso dalalka Britain, Jarmalka, iyo Faransiiska, iyada oo laga jawaabayo codsiga Yurub.
wareegga cusub ee wada-xaajoodka saddexdan dal iyo Iran ayaa jimcaha soo socda lagu qaban doono magaalada Istanbul.




From the comments