U bood dhigaalka

Cudurka Kaduudiyaha oo Ku Faafay 119 Waddan oo ay Ku Jirto Soomaaliya

Sheeko:War

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Kaduudiyaha (Monkeypox), uu si ba’an ugu fiday 119 waddan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

WHO ayaa sheegtay in faafitaankan degdegga ah uu u baahan yahay feejignaan dheeri ah iyo iskaashi caalami ah si loo xakameeyo.

Cudurka Kaduudiyaha, oo ah cudur faafa oo hore loogu yaqaanay qaybo ka mid ah Afrika, ayaa sanadihii u dambeeyay ka gudbay xuduudihii hore waxaana uu gaaray qaarado badan, taasoo keentay walaac cusub oo dhinaca caafimaadka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta WHO, kiisaska la xaqiijiyey ayaa sii kordhaya toddobaad walba, iyadoo waddamo badan ay sheegeen xaalado cusub.

Soomaaliya ayaa lagu daray liiska waddamada uu cudurku si rasmi ah u saameeyey, inkastoo tirada saxda ah ee kiisaska dalka laga helay aan la shaacin.

Hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu booriyey in ay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada la tacaalidda cudurka, sida wacyigelinta bulshada, ogaanshaha degdega ah ee kiisaska cusub, iyo karantiilka dadka la tuhunsan yahay inay cudurka qabaan.

WHO waxay ku celisay baaqeeda ah in bulshooyinka laga wacyigeliyo hababka uu cudurku ku faafo, kuwaas oo ay ka mid yihiin taabashada tooska ah ee maqaarka qof qaba finan kaduudiya, isticmaalka alaab la wadaagay, iyo xiriirka dhow ee jirka.