U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Cambaaraysay Xadgudub Lagu Sameeyay Markab Lagu Magacaabo SEA WORLD

Sheeko:War

Muqdisho, 23 Luulyo 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay afduub iyo xadgudub lagula kacay markab ganacsi oo lagu magacaabo SEA WORLD, oo siday qalab ciidan una socday xarunta tababarka ciidanka ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Markabkan oo watay calanka Jasiiradda Comoros ayaa u socday dekedda Muqdisho si waafaqsan heshiisyo iskaashi difaac ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga. Waxaa la sheegay in shixnadda markabku ay ahayd mid sharci ah, ayna ahayd agab ciidan oo loogu talagalay amniga dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay:

In markabku uusan ahayn mid sharci darro ku galay badda Soomaaliya, maadaama uu siday qalab ciidan ee aan ahayn badeeco ganacsi.

In falkaasi yahay mid liddi ku ah dastuurka kumeelgaarka ah, gaar ahaan qodobka 54aad oo difaaca iyo amniga qaranka si gaar ah u xilsaaraya Dowladda Federaalka.

In kooxaha ku lugta leh arrintan, gaar ahaan kuwa ka tirsan maamulka Puntland, ay si toos ah ugu xadgudbeen madax-bannaanida qaranka iyo sharciga caalamiga ah, sida heshiiska badda ee UNCLOS (1982).

Dowladda Federaalka waxay ku dhawaaqday:

In si deg-deg ah markabka loo sii daayo iyadoo aan shuruud lagu xirin.

In maamulka Puntland joojiso howlgal walba oo aan sharci ahayn oo laga fulinayo xeebaha maamulkaasi.

In la caddeeyo mowqifka dowladda ee ah in aysan marnaba oggolaan doonin falal burcad-badeednimo iyo ku xadgudubka madaxbannaanida qaranka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee ku saabsan difaaca qaranka iyo maaraynta bad-maaxidda. Waxay ku celisay in faragelin kasta oo aan sharci ahayn ay khatar gelinayso amniga qaranka iyo xasiloonida gobolka.