U bood dhigaalka

Askar isku dishay Garowe

Sheeko:War

Garoowe – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ooda kaga qaaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Falkaan naxdinta leh ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taraafikada ee gobolka Nugaal, halkaas oo lagu sheegay in uu ahaa goobtii uu iska horimaadka ka bilowday.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni, askariga rasaasta furay ayaa la xaqiijiyey inuu baxsaday isagoo wata qoriga mid kamid ah askarta ku geeriyootay.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgal lagu raadinayo askariga baxsaday, iyadoo wali aan si rasmi ah loo caddeyn sababta ka dambeysay rasaasta la is dhaafsaday.

Saraakiisha ammaanka Garoowe wali kama aysan hadlin faahfaahinta buuxda ee dhacdada, balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in xiisad iyo is-faham la’aan ka dhalatay wada shaqeynta ciidanka ay keentay gacan ka hadalkan sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga argagaxay dhacdada, iyagoo codsaday in la xoojiyo kalsoonida iyo wada shaqeynta ciidamada kala duwan si looga fogaado in shacab iyo askari midna uusan ku waxyeelloobin dhacdooyin noocan oo kale ah.