Dagaal culus ayaa markale dib uga qarxay xadka ay isku hayaan dalalka Thailand iyo Cambodia, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsadeen rasaas maalintii labaad oo xiriir ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta labada waddan, waxayna wararku sheegayaan in in ka badan toban qof ay dhinteen, halka ku dhowaad 100,000 oo rayid ahna la daadgureeyay.
Xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ku yaalla Koonfur-bari Aasiya ayaa cirka isku shareertay bilo ka hor, kaddib muran dhuleed oo ku saabsan xuduud dheer oo dhan 800-km , taasoo qayb ka mid ah lagu saleeyay xuduud uu horay u xukumi jiray gumeysigii Faransiiska ee Cambodia.
Aagga muranku ka taagan yahay wuxuu u dhow yahay goobo dhaxal-dhaqan iyo diimeed muhiim ah oo labada dal ay sheeganayaan, wuxuuna dagaalku bilowday waaberigii Jimcaha saacadu markay ahayd 4:30 subaxnimo, kadib markii ciidamada Cambodia ay rasaas fureen, iyagoo adeegsanayay hub culus iyo qoryaha fudud, sida uu u sheegay warbaahinta Col. Richa Sooksuwanon oo ah afhayeen ku xigeenka ciidamada Thailand.




From the comments