Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Dawladda Falastiin.
Go’aankan waxaa uu si buuxda ula jaanqaadaya mowqifkii Midowga Afrika ee muddo dheer taagnaa, sida dib loogu adkeeyay Kalfadhigii 38aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Midowga Afrika, oo dhacay 15–16 Febraayo 2025 magaalada Addis Ababa, kaas oo lagu muujiyay taageerada buuxda ee Qaaradda Afrika ay u hayso xaqa dadka reer Falastiin u leeyihiin in ay is-maamulaan oo ay helaan dawlad madax-bannaan.
Guddoomiyuhu wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim u ah gaarsiinta xal caddaalad ku dhisan oo waara oo dhamaystiran, kaas oo loo maro xeerarka caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrinta Falastiin iyo Israa’iil.




From the comments