Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Wadahadallo ay u Dhexeeyaan Mareykanka iyo Kooxda Al-Shabaab

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa si cad u beeniyay wararka la faafiyay ee sheegaya in uu jiro wadahadal u dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo kooxda Al-Shabaab.
Isagoo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Araby Al-Jadeed, Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in aysan jirin wax wada-xaajood ah oo rasmi ah ama dadban oo labada dhinac ka dhexeeya.
Wuxuu xusay in wararka arrintan la xiriira aysan ku saleysneyn xaqiiqo, isla markaana ay yihiin kuwo la been abuuray oo aan laga xaqiijin ilo rasmi ah.
“Ma ahan run wararka ku saabsan in wada-hadal u dhexeeyo Mareykanka iyo kooxda AS,” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha, isagoo uga digay shacabka Soomaaliyeed in aysan rumaysan warar aan la xaqiijin oo laga faafinayo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jireen warar isa soo tarayay oo sheegayay in Mareykanku uu wadahadal la galayo Al-Shabaab si loo dhimo xiisadaha ka jira gobolka, arrintaas oo si weyn loo hadal hayay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in aysan marnaba aqbali doonin wax wadahadal ah oo lala galo kooxaha argagixisada ah, iyada oo taa beddelkeedana xoogga saaraysa dagaal dhameystiran oo lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka ah.