Maxaa laga ogyahay wada-hadallada Suuriya iyo Israa’iil ee magaalada Paris?

Wefti ka socda Suuriya oo ka kooban saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo sirdoonka, ayaa magaalada Paris kula kulmay madax ka tirsan maamulka Israa’iil, waxaana kulankaas oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayey looga wada hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhinaca ammaanka iyo dedaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda ka taagan koonfurta Suuriya, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters.
wafdiga Suuriya ayaa diiday joogitaanka ciidamo shisheeye oo sharci darro ah oo dhulka Suuriya ku sii sugnaada, Inkastoo kulanka uusan ka soo bixin wax heshiis ah oo dhameystiran, dhinacyadu waxay isku raaceen in maalmaha soo socda la yeesho doodo kale oo lagu qiimeeyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo xasilloonida koonfurta Suuriya.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Suuriya Jean-Noel Barrot iyo Assaad al-Chibani oo uu weheliyo ergeyga Maraykanka u qaabilsan Suuriya Tom Barrack, ayaa iyaguna ku kulmay magaalada Paris si ay uga wada-hadlaan xaaladda dalka Suuriya, oo uu hadda ka taliyo maamulka ku meel gaarka ah ee uu hoggaamiyo Ahmad al-Sharaa oo xukunka la wareegay ka dib dhicitaankii Bashaar al-Assad bishii Diseembar 2024.
Xukuumadda cusub ayaa la kulmaysa rabshado isdaba joog ah oo dhexmaraya beelaha iyo kooxo ka haray nadaamkii hore oo gobollada qaar ku sugan, ayadoo dagaalladii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay beelaha Druze iyo Sunniga Bedouin ay ku dhinteen in ka badan 1,300 oo qof intii u dhaxaysay 13-kii July ilaa 20-kii bishan July.
Mareykanka ayaa doonaya inuu isku soo dhoweeyo Israa’iil oo taageero xooggan siinaysa maleeshiyaadka Druze-ga iyo Xukuumadda Suuriya oo midnimada dalkeeda ku dadaalaysa, ayadoo Washington ay danaynayso in Suuriya ay ku biirto heshiiska Israa’iil iyo Carabta ee Abraham accords.