Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in marinka Qasa aysan ka jirin wax macaluul ama gaajo ah, balse ay suurtagal tahay in halkaas ka taagantahay cunto xumo ama nafaqa darro .
Wuxuu intaa ku daray in Mareykanku uu 60 milyan oo doolar laba toddobaad ka hor bixiyay si cunto iyo gargaar loo gaarsii Qasa, halka dalalka kalena aanay waxba siin, islamarkaana aanu qof ka hadlay ama yidhi Washington uga mahadceliyay tillaabadaas, siduu hadalka u dhigey.
“malaha waxaa ka jirta nafaqo darro, sababtoo ah Xamaas ayaa xadaysa gargaarka” ayuu Trump oo ka hadlay duruufaha adag ee ay wajahayaan dadka reer Falastiin ee ku nool marinka go’doonsan ee Qasa, kuwaas oo xittaa aan haysan cunto iyo gabaad ammaan ah.




From the comments