U bood dhigaalka

Dagaal Culus oo Markale Ka Qarxay Balad Xaawo

Sheeko:War

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in dagaal culus uu markale ka qarxay degmada Balad Xaawo, gaar ahaan meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamada maamulka Jubbaland iyo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay hoos tagaan taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa bilaabmay saaka waaberigii, waxaana wararka hordhaca ah tilmaamayaan in la isku adeegsaday hub culus, iyadoo labada dhinac ay isku heleen aag muhiim ah oo istaraatiji ah.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayo goobta dagaalka, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan nawaaxiga degmada Balad Xaawo.

Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka “si kadis ah” u weerareen fariisimo ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada, halka dhinaca dowladda federaalka aanay weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.