Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaallo culus oo toddobaadkii la soo dhaafay ka socday halkaas.
Dagaallada ayaa u dhaxeeyay ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wararka laga helayo gudaha Beled-Xaawo ayaa sheegaya in ciidamadii mucaaradka ahaa lagu jabiyay dagaalka, islamarkaana ciidamada Dowladda ay si buuxda u hanteen xarumaha muhiimka ah ee degmada, oo ay ku jirto saldhigga booliska, xarunta degmada iyo kastamyada ganacsiga.




From the comments