Dhulgariir cabbirkiisu gaarayo 8.8 magnitude ayaa si weyn u ruxay xeebaha Kamchatka Peninsula ee bariga fog ee dalka Ruushka, subaxnimadii Arbacada, iyadoo uu sababay burburka dhismeyaal ah, waxayna hirarka baddu gaareen ilaa 4 mitir ama 13 feet, taas oo ah sare u kac aan muddo sano ah la arkin.
Wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dad badan ay ku dhaawacmeen gobolka fog ee Kamchatka, In kasta oo aysan jirin warar rasmi ah oo sheegaya dhimasho, haddana mas’uuliyiinta Ruushka waxay xaqiijiyeen burbur hantiyeed oo uu sababeen dhulgariirka iyo daadadkii ka dhashay
Dhulgariirkan ka dib waxaa soo baxay digniino xooggan oo lagu sheegayo in laga cabsi qabo sunaami ku dhifta xeebaha, taasoo keentay in dalal badan oo ku yaalla badweynta Baasifigu ay galaan xaalad feejignaan ah, ayadoo goobaha qaar dadka laga rarayo.




From the comments