Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta martigelinaysa dib-u-furitaanka shirweynaha dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaasi oo lagu wado in si rasmi ah looga doodo loona meelmariyo Dastuurka maamulka cusub ee la dhisayo.
Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh aayaha siyaasadeed ee deegaanada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn), ayaa la filayaa in lagu ansixiyo qodobbadii ugu dambeeyay ee Dastuurka maamulka, iyadoo sidoo kale laga arrinsanayo qaab-dhismeedka dowladnimo, nidaamka doorashooyinka, iyo matalaadda shacabka.
Mas’uuliyiin sare, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, iyo wakiillo ka kala socda beelaha deegaanka ayaa isugu yimid shirka, iyaga oo rajo weyn ka qaba in maamulka cusub uu noqdo mid keenaya nabad, horumar, iyo maamul daahfuran.




From the comments