Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.
Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda.
Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab.




From the comments