Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa shaaca ka qaaday in Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari uu si rasmi ah u dhaqan galay, taasoo u gogol xaaraysa in la guda galo marxaladaha xiga ee dhismaha maamulkaasi.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay munaasabad rasmi ah ayaa sheegay in tallaabada ugu dhow ay noqon doonto qabashada doorashooyin lagu soo dooranayo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari iyo ku xigeenkiisa, isagoo xusay in howlahani ay yihiin kuwo socda oo aan dib uga laaban doonin.
“Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari waa dhaqan galay, waxaana xigi doona doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, howlahana waa sii socon doonaan,” ayuu yiri wasiirku.




From the comments