Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Jimcaale, isagoo bedelkiisana u magacaabay mas’uul dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdulmajiid Daahir Aadan.
Cabdulmajiid ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, isagoo ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada bulshada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda nadaafadda guud ee caasimadda Muqdisho.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii labaad ee madaxweynaha uu xil uga qaado masuul sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dhowaan xilka laga qaaday xoghayihii guud ee gobolkaasi.




From the comments