Sida uu sheegay madaxa hay’adda socdaalka caalamiga ah (IOM) ee Yemen 68 qof oo ah tahriibeyaal ka tagey geeska Afrika ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen oo ku degtay xeebta gacanka Cadan, halka 74 kalena la’yahay.
IOM waxay sheegtay in dadkaasi ay ka yimaadeen Itoobiya, islamarkaana ay ku sii jeedeen dalalka Khaliijka, balse lama kala xaqiijin in qowmiyada kale oo ay Soomaali kamid tahay ay ku jiraan iyo in kale.
Tahriibeyaasha badda ku qaraqmay ayaa u badnaa. dhalinyaro, waxayna ku safrayeen doomo yar yar oo aan lahayn nadaamka badbaada, taas oo keentay inay biyaha ku halaagsamaan sida ay xoguhu tilmaamayaan.




From the comments