Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gacanta lagu hayo kiisaskii ugu badnaa ee la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelinta kooxaha argagixisada, kuwaas oo gaaraya in ka badan 250 kiis. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee la soo saaray, xafiisku wuxuu ku guuleystay in la burburiyo shabakad maaliyadeed oo kooxaha argagixisadu isticmaali jireen si ay u dhaawacaan hantida shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska ayaa sheegay in la ogaaday in in ka badan 3,500 akoonto bangi ay si toos ah ama dadban u adeegsanayeen kooxaha argagixisada. Tallaabadan ayaa keentay in la xayiro lacag dhan HAL MILYAN oo doolar, taasoo qeyb ka ah dadaallada xafiisku ku xaqiijinayo in hantidaas ay dowladda Soomaaliyeed dib ula wareegto.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in NUUS MILYAN (500,000) doolar oo kamid ah lacagahaas la hayay, si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya, kadib markii si sharci ah loo adkeeyay xiriirka lacagahaasi la leeyihiin argagixisada.




From the comments