Dowladda Soomaaliya oo Shuruud uga dhigeysaa dadka ka dhoofaya Gudaha dalka Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray is-waafajinta adeegyada dowladda ee ku saabsan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Go’aannada Muhiimka ah ee Kulanka:
Laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, qof kasta oo qaadanaya baasaboorka Soomaaliya waa inuu haystaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaalka gudaha dalka waxaa lagu xirayaa isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Ujeeddada go’aannadan ayaa ah:
Sugidda saxnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadiniinta.
Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee baasaboorka Soomaaliga.
Xoojinta isku xirnaanta nidaamyada xog-wadaagga ee NIRA iyo Hay’adda Socdaalka.
Mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, isla markaana lagu horumarinayo hufnaanta iyo amniga adeegyada dowliga ah.