U bood dhigaalka

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ghana oo ku dhintay shil diyaaradeed 

Dowladda Ghana ayaa xaqiijisay in laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda, oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Edward Omane Boamah iyo Wasiirka Deegaanka Ibrahim Murtala Muhammed, ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha dalkaas.

Ciidamada qalabka sida ee Ghana ayaa sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin milatarigu ay ka duushay caasimadda Accra subaxnimadii Arbaco, iyadoo kusii jeeday magaalada Obuasi oo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda, balse ay si lama filaan ah uga baxday raadaarka duulimaadka.

Sawirro laga helay goobta shilka ayaa muujinaya burburka diyaaradda oo ku gubanaya kayn, iyadoo dad deegaanka ahna ay ku hareeraysan yihiin si ay gargaar u fidiyaan.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay shilka, hase yeeshee militariga ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah la bilaabay.

Inta la xaqiijiyay, dadka shilkaas ku dhintay waxaa ka mid ah:

Wasiirka Difaaca Edward Omane Boamah

Wasiirka Deegaanka Ibrahim Murtala Muhammed

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga talada haya ee National Democratic Congress

Lataliye sare oo ka tirsan laanta amniga qaranka

Saddex kamid ah shaqaalihii diyaaradda waday

Shilkan ayaa gilgilay siyaasadda Ghana, waxaana la filayaa in dowladda ay si buuxda uga hadasho dhacdadan saameynta leh marka baaritaanku uu soo gabangaboobo.