Dhaqaatiirta dunida ayaa si weyn uga digaya cudurro halis ah oo ka dilaacay marinka Qasa, ayagoo sheegay in gaajada, nafaqada darrada iyo nadaafad xumada halkaas ka jirtaahi ay horseedeen xanuunno badan oo sababi kara inay dadku u dhintaan.
Mark Brawner oo ah Dhakhtar Maraykan ah oo ka soo laabtay Gasa ayaa sheegay in Xasuuqa ballaran ee halkaas ka socdaahi uu horseeday in dad badani ay gaajo u dhinteen, islamarkaana dadka ay la ildaran yihiin burbur iyo hoos u dhac ku yimid heerka shaqada jirka, burooyinka iyo boogaha caloosha oo ka dhashay gaajo, iyo cudurro kale.
Mark wuxuu intaa ku daray in Marinka Qasa uu u baahan yahay xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, maadaama ay tahay in maalin kasta gargaar la gaarsiiyo, raashin yaroo hawada looga daadiyaahina aanay xal u ahayn dhibaatada gaajada ee Marinka ka taagan.




From the comments