Fadhigii afaraad ee wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta dib loogu ballamay maalinta Arbacada soo socota, kaddib markii labada dhinac aysan ku heshiin qodob ka mid ah ajandaha.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in dood xooggan ay ka dhalatay qodob ku saabsan ka noqoshada cutubka afraad ee Dastuurka KMG ah.
Madaxweynaha ayaa dalbaday in arrintan laga dhaafo, balse musharixiinta mucaaradka ayaa diiday codsigaas, iyagoo ku adkaystay in Madaxweynaha uu qaado tallaabo tanaasul dhab ah.




From the comments