Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qalabka Sida ee ka howlgala gobolka Gedo ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyo ka amar qaata eedeysane Axmed Madoobe. Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo, waxaana hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan.
Ciidamada Qaranka ayaa guul ka gaaray iska caabinta weerarka, iyagoo gacanta ku dhigay toban ka mid ah maleeshiyadii weerarka soo qaaday, halka goobihii weerarka laga soo abaabulay la buux dhaafiyay. Intii lagu guda jiray iska caabinta, labo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo dable Cali Muxumed Gooni ayaa ku shahiiday. Sidoo kale, saddex askari ayaa dhaawacmay, waxaana lagu dabiibayaa xarumo caafimaad.
Xaaladda deegaanka ayaa hadda degan, iyadoo Ciidanka Qaranka ay weli ku sugan yihiin goobaha si buuxda ugu hawlan ilaalinta ammaanka iyo badbaadinta shacabka gobolka Gedo.




From the comments