U bood dhigaalka

Ku dhowaad 5 wariye oo lagu diley Qasa

5 wariye oo uu ku jiro Anas al-Sharif oo ahaa kamid ah warfidiyeenkii ugu caansanaa ee sanadihii la soo dhaafay ka soo waramayay xaaladda Qasa ayaa saacado ka hor lagu dilay duqeyn ay ciidanka  Israa’iil fuliyeen.

Telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in labo wariye oo uu ku jiro Anas al-Sharif oo caan ah, iyo saddex kaamiro-qaade lagu dilay duqeyn Israel ka fulisay teendho wariyayaal ku sugnaayeen magaalada Gaza Axaddii.

Militariga Israel ayaa billaabay in ay si toos ah u beegsadeen warfidiyeenka caanka,  iyagoo Anas al-Sharif horey ugu tilmaamay  argagixiye ka tirsan Xamaas oo iska dhigaya wariye.

Wariyehan 28 jirka ah oo shabakadda Al Jazeera ka tirsanaa ayaa la dilay Axaddii kaddib markii teendhada wariyeyaasha ee ka ag dhow iridda isbitaalka weyn la duqeeyay, Waxa uuna Anas al-Sharif si joogto ah uga warbixin jiray xaaladda waqooyiga Gasa.

Al Jazeera waxay magacyada Saxafiyiinta kale ee la dilay ku sheegtay: Maxamed Qreiqeh iyo saddex kaamiro-qaade oo kala ahaa Ibraahim Zaaher, Maxamed Nufal iyo Mu’men Caliwa.

Qoraal uu soo saaray militariga Israel ayaa lagu yiri: “Inyar ka hor, magaalada Gaza gudaheeda, ciidanka IDF waxay dileen argagixiye Anas al-Sharif, oo iska dhigayey wariye Al Jazeera ah, wuxuuna ahaa madaxa unug dagaal oo ka tirsan Xamaas, kana masuul ahaa weerarrada gantaallada ee lagu qaado dadka rayidka ah ee Israel iyo ciidamada IDF.”

Anas al-Sharif ayaa ka mid ahaa wejiyada ugu caansan ee Al Jazeera ku lahayd Gaza, isaga oo maalin kasta ka bixin jiray warbixinno toos ah, Ka hor intuusan dhiman, waxa uu bartiisa X ku qoray farriimo ku saabsan “duqeyn culus oo Israa’iil ka waddo magaalada Gaza,” waxaana uu soo dhigay muuqaal muujinaya weerarro ka dhacaya meel u dhow.

Bishii Luulyo, Ururka Ilaalinta Saxafiyiinta (CPJ) ayaa dalbaday in la ilaaliyo al-Sharif, iyagoo ku eedeeyay afhayeenka militariga Israa’iil ee Af-Carabiga Avichay Adraee inuu ol’ole weerar ah ku qaaday wariyaha, isaga oo ku sheegay inuu yahay xubin Xamaas ah.

Kaddib dilkiisa, CPJ waxay sheegtay in ay ka argagaxeen weerarka lagu beegsaday wariyeyaasha, waxayna ku eedeeyeen Israa’iil in ay si joogto ah u bartilmaameedsanayso wariyeyaasha
<span;>,waxayna Ururka Saxafiyiinta Falastiiniyiinta dhacdadan ku tilmaameen dambi dhiig leh oo qorsheysan.