Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xaaladda Beled-Xaawo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada in Alle caafimaad degdeg ah siiyo.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay gacan caafimaad iyo gargaar bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladda ka taagan gobolka.
Isagoo ka hadlay arrinta ciidamo ka tallaabay xuduudda Kenya, madaxweynaha ayaa ku amray inay dib ugu laabtaan deegaannadoodii, isagoo sheegay inaan cidna ciqaab lagu ridin doonin, isla markaana la ballan qaaday badbaadkooda iyo nabadgelyadooda.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda gobolka inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.