Sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanku Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay xerada barakacayaasha Abu Shouk oo ku taalla magaalada El-Fasher ee gobolka waqooyiga Daarfuur oo ka tirsan dalka Suudaan, ka dib markii ay halkaas weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan fallaagada RSF.
Kooxda hubeysan rr RSF ayaa Isniintii weerar ku qaaday xero barakacayaal oo ay macaluul ba’an ka jirto, Kooxda Emergency Response Rooms ee ka howlgasha xerada Abu Shouk ayaana ku sheegtay qoraal ay Facebook soo dhigtay in ciidamada RSF oo dagaal kula jira militariga Suudaan ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah xerada, iyagoo bartilmaameedsaday dadka ku jira guryahooda, waxayna Kooxdan ka shaqeysa gargaarka bani’aadannimo intaas ku dartay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
Xerada Abu Shouk, oo hoy u ah qiyaastii 450,000 oo barakacayaal ah, ayaa marar badan weerarro la kulantay intii uu socday dagaalka, militariga Suudaan ayaana weli gacanta ku haya magaalada El-Fasher inkastoo ay RSF marar badan duqeysay.




From the comments