Madasha Mucaaradka Muqdisho oo dalbatay In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaaniga ah

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta soo saartay baaq ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo ka duuleysa dhowrista midnimada iyo wadajirka ummadda, xal u helidda khilaafka ka dhashay beddelka dastuurka, iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
Madashu waxay sheegtay in ay bil iyo bar ka waday Madaxweyne Xasan Sheekh wadaxaajood ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad, kuwaas oo dhisayay nidaamka Baarlamaaniga ah, Federaalka, awood-qaybsiga siyaasadeed, doorashada afar-sano-kii mar ah, iyo geedi-socod dowlad-dhis oo ku salaysan wadar-oggol.
Waxay Madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucda doorasho ee ka dhashay, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo dhaawacaya heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay dalka.
Madashu waxay sidoo kale ku baaqday:
In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaaniga ah ee heshiiskii Carta.
In 9-ka bil ee ka harsan xilka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho qof iyo cod ah oo loo dhanyahay.
In degdeg loo joojiyo colaadda dowladda ay ka hurinayso gudaha dalka, gaar ahaan Gobolka Gedo.
In la hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee sababay xasillooni-darro.
Inkasta oo wadaxaajoodka aysan kasoo bixin natiijo ay shacabka Soomaaliyeed rajayn lahaayeen, haddana Madashu waxay caddeysay inay weli diyaar u tahay in miiska wada-hadalka la isugu yimaado, si loo badbaadiyo midnimada, danta guud, iyo wadajirka ummadda, iyadoo guddigooda wadaxaajoodka uu sii wadi doono shaqadiisa.