Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saacado ka dib ku kulmi doona magaalada Anchorage ee gobolka Alaska, ayadoo kulankaas la filayo inuu dhaco saacadda markay tahay 3:30 galabnimo waqtiga Bariga Mareykanka.
Trump oo saxaafadda kula hadlay gudaha diyaaradda Air Force One isaga oo ku sii jeeda Alaska, ayaa sheegay in kulankan uusan u qaban si uu heshiis ugu gaaro magaca Ukraine, balse uu doonayo keliya in uu Putin ku soo fariisiyo miiska wadahadalka.
Wuxuu sidoo kale ka gaabsaday ballanqaad dhinaca ammaanka ah oo loo fidiyo Ukraine qayb ka mid ah heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, wuxuuna Trump intaas ku daray inuu ka hor kulanka la hadlay Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko oo ka mid ah xulafada ugu dhow ee Putin.




From the comments