Dagaal beeleed ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida
Sheeko:War

Wararka ka imanaya deegaanka Qabalaha Garasle ee dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban kadib markii maleeshiyo beeleed kasoo duulay deegaanka Santarka Lababaar ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah oo ku sugnaa duleedka Garasle.
Wararka hordhaca ah waxay xaqiijinayaan geerida saddex ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca hal qof ah.
Shaqaaqadan cusub ayaa daba socota dagaal kale oo shalay galab ka dhacay deegaanka Oodaale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo isna laga soo warinayay dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda deegaanka Qabalaha Garasle ayaa haatan kacsan, iyadoo cabsi weyn laga qabo in mar kale uu ka qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.