Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Pakistan kaddib markii daadad culus oo ka dhacay dalkaas ay sababeen dhimasho iyo burbur baaxad leh.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya ay aad uga xun tahay khasaaraha nafeed iyo burburka hantiyadeed ee ka dhashay masiibada daadadka, kuwaas oo tirada dadka ku dhintay ay kor u dhaaftay 321 qof, halka kumannaan kale ay guryo la’aan noqdeen.
“Waxaan si qoto dheer uga tacsiyeynayaa dowladda iyo shacabka Pakistan geerida iyo khasaaraha ka dhashay daadadkii dhawaan dhacay. Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaalaheena Pakistan xilligan adag,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.




From the comments