U bood dhigaalka

Maxaa ka soo baxay shirkii Trump iyo Putin?

Shirkii la wada sugayay ee ay saacado ka hor yeesheen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa soo dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dagaalka Ukraine, inkasta oo labada hoggaamiye ay ku tilmaameen wada hadallada kuwo waxtar leh.

Kulanka oo ka dhacay Alaska,qaatayna saddex saacadood, ayaa markii uu dhammaaday Trump iyo Putin waxay saxaafadda u sheegeen in horumar laga sameeyay qodobo aan faahfaahin laga bixin, balse su’aalo looma oggolaan warfi-diyeennada.

Trump oo hadal kooban jeediyay ayaa yiri: “Wax yar ayaan horey u soconnay, laakiin is afgarad ma jiro ilaa heshiis dhab ah la gaaro.”

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee labada madaxweyne yeeshaan tan iyo markii Ruushku si buuxda u galay dagaalka Ukraine sanadkii 2022, ma muujin tallaabooyin cad cad oo loo qaaday xabbad-joojin.

Si kastaba, Putin ayaa guul siyaasadeed ku qaatay in uu si fool-ka-fool ah ula fadhiisto madaxweynaha Maraykanka, kadib markii uu muddo dheer go’doon ka ahaa hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka.

Madaxweynaha Ukraine Vladimir Zelenskiy oo aan lagu casuumin kulanka ayaa sheegay in Ukraine ay weli ku tiirsan tahay taageerada Mareykanka, halka Trump markii uu shirku dhammaaday u sheegay warbaahinta in uu dib u dhigayo cunaqabateyn uu rabay inuu saaro Shiinaha sababo la xiriira iibka saliidda Ruushka, isagoo ku sababeeyay in horumar uu ka sameeyay wada-hadalka uu kula jiroPutin, balse India  oo iyaduna si weyn u iibsatay shidaalka Ruushka – lagu daray canshuur dheeraad ah oo 25% ah.