Maamulka Jubaland ayaa si kulul uga hadlay dhaq-dhaqaaqyo ay sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka waddo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay abaabul u wado sidii maamul cusub loogu samayn lahaa deegaannada Jubaland, maadaama dowladda federaalka aanay si rasmi ah u aqoonsan maamulka Jubaland ee haatan jira.
Waxaa uu sheegay in Garbahaarey ay joogaan shaqaale dowladeed oo ka socda dowladda federaalka, kuwaas oo magaalada ku dhejinaya boorar ka tarjumaya maamulka cusub ee la doonayo in halkaasi laga dhiso.




From the comments