Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago magaalada Dhuusamareeb toddobaadkan, halkaas oo haatan si weyn loogu diyaar-garoobayo soo dhaweyntiisa.
Sida qorshuhu yahay, Madaxweynaha ayaa tegi doona maanta ama Talaadada, haddii aan wax isbeddel ah ku imaan jadwalka socdaalkiisa.
Safarkan ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kormeerka mashaariicda horumarineed iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka Galmudug.




From the comments