Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Cumar Cali Afrax ayaa xilkan kala wareegay Bashiir Macalin Cali Xasan, oo horey u hayay mas’uuliyadda Agaasimaha Guud.
Xilka cusub ee loo magacaabay Cumar Cali Afrax ayaa ka mid ah isbeddellada maamulka ee lagu xoojinayo shaqada iyo hufnaanta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo ah hay’ad muhiim u ah dalka.




From the comments