U bood dhigaalka

Sanduuqa Maalgashiga Norway oo qaaday tillaabo garab istaag u ah dadka reer Qasa

Sanduuqa hantida qaranka Norway, oo ah midkq ugu weynaa dunida, kana badan $2 tirilyan, ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay maalgashigii uu ku lahaa shirkadda Mareykanka ee soo saarta qalabka dhismaha, ee lagu magacaabo Caterpillar.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii lagu eedeeyay shirkadda in qalabkeedu uu gacan ka geysanayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ka socda Qasa iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Bangiga Dhexe ee Norway, oo maamula sanduuqan, ayaa Isniintii sheegay in shirkadda Caterpillar laga reebay liiska maalgashiga sababtoo ah halis aan la aqbali karin inay shirkaddu ku lug leedahay, taas oo ay kamid yihiin xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah xilliyada dagaalka iyo colaadaha.

Golaha Anshaxa ee sanduuqa ayaa ku dooday in bulldozerrada Caterpillar ay si toos ah u adeegsanayaan ciidamada Israa’iil, gaar ahaan burburinta guryaha iyo hantida dadka Falastiiniyiinta ah, taas oo jebinaysa sharciga caalamiga ah. Golaha ayaa intaas ku daray in shirkaddu aysan qaadin wax tallaabo ah oo lagu joojinayo isticmaalka qalabkeeda si khaldan Kahor inta aan go’aankan la gaarin.

sanduuqa Norway wuxuu haystay saamiga 1.17% ee shirkadda Caterpillar, oo qiimihiisu ahaa ku dhawaad $2.1 bilyan bishii Juun, Sidoo kale, sanduuqa ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay shan bangi oo Israa’iili ah oo kala ah: Hapoalim, Bank Leumi, Mizrahi Tefahot Bank, First International Bank of Israel, iyo FIBI Holdings.

Tallaabadan Norway qaaday ayaa ku soo beegmaysa iyadoo cadaadis caalami ah la saarayo Israa’iil, kaddib markii ay sii kordheen cambaareynta ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ah.