U bood dhigaalka

War-saxaafadeed: Xuquuqda Waxbarashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed Maaha Sadaqo Dawladeed

Sheeko:War

Muqdisho, August 26, 2025 – Ururka Somali Educational Law Association (SELA) ayaa si adag uga falceliyey hadal uu dhawaan jeediyey Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, mudane Xasan Macallin, oo sheegay in “dowladaha casriga ahi aanay muwaadiniintu xaq ugu lahayn adeeg waxbarasho iyo caafimaad, balse dowladdu sadaqo ahaan u bixiso.”

SELA waxa ay sheegtay in hadalkaasi yahay mid dhaawacaya xuquuqda muwaadiniinta, islamarkaana abuuri kara jahawareer, kalsooni-darro iyo hoos u dhigid xuquuqaha aas-aasiga ah ee sharciga iyo dastuurka lagu cadeeyay.

Qodobbada ay SELA ku doodday waxaa ka mid ah:

Dastuurka Soomaaliya waxa uu si cad u qeexayaa in waxbarashadu tahay xuquuq aas-aasi ah oo muwaadin kasta xaq u leeyahay (Qodobka 30-aad).

Waxbarashadu waa xuquuq dhammaan muwaadiniintu leeyihiin.

Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay waxbarasho lacag la’aan ah ilaa heer dugsi sare.

Heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday, sida “International Covenant on Economic, Social and Cultural Rights,” waxa ay dowladda ku waajibinayaan dammaanad qaadidda xuquuqda waxbarasho iyo caafimaad.


Khatarta ka dhalan karta hadalka Wasiirka:

Waxa uu dhaawici karaa kalsoonida shacabka ee dowladnimada.

Waxa uu abuuri karaa aragti ah in xuquuqda muwaadiniintu ku xirantahay rabitaanka dowladda.

Waxa uu noqon karaa tanaasul ku saabsan xuquuqaha aadanaha ee aas-aasiga ah.


Baaq
Ururka SELA waxa uu ugu baaqay:

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka inuu hadalkiisa saxdo oo uu raaligelin ka bixiyo si looga fogaado jahawareer.

Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dowladda inay bulshada mar kale xaqiijiyaan in waxbarashadu tahay xuquuq sharciga iyo dastuurka dammaanad qaaday.

In bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo baarlamaanka ay difaacaan xuquuqda waxbarasho ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.