U bood dhigaalka

Dowladda Canada oo muwaadiniinteeda ka dalbatay in ay si deg deg ah uga baxaan Soomaaliya

Sheeko:War

Dowladda Canada ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan safarrada dibadda, taas oo si gaar ah uga digeysa safarka dalal ay ka jiraan xaalado amni darro, dagaallo hubeysan, iyo qalalaase siyaasadeed.

Digniinta ayaa lagu magacaabay dalalka: Soomaaliya, Myanmar, Ruushka, Ukraine, Venezuela, Liibiya, Waqooyiga Kuuriya, iyo Suuriya.
Dowladda Canada ayaa sheegtay in dalalkan ay ka jiraan xaalado degdeg ah oo halis ku ah dadka shisheeyaha ah, iyadoo muwaadiniinteeda ku boorisay inay ka fogaadaan safar, halka kuwa ku sugan gudaha dalalkan lagu amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan haddii ay suurtagal tahay.

Soomaaliya

Soomaaliya waxaa lagu sheegay inay tahay meel aad u khatar badan oo aysan jiri karin wax taageero qaanuun iyo diblomaasiyadeed ah oo ka iman karta Canada.
• Khataraha jira: Weerarro hubeysan oo joogto ah, mudaharaadyo rabshado wata, iyo qaraxyo aan la saadaalin karin.
• Xaaladda Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya: Weerarada hubeysan iyo weerarada ka dhanka ah dadka shisheeyaha ah ayaa inta badan ka dhaca.
• Khatar gaar ah: Shaqaalaha samafalka, weriyeyaasha, iyo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ayaa bartilmaameed u ah afduub, dil qorsheysan, iyo xarig aan sharci ahayn.
Digniinta ayaa muwaadiniinta Canadian ah ku boorrisay inay si degdeg ah uga baxaan Soomaaliya, isla markaana mar walba feejignaan muujiyaan haddii aysan ka bixi karin.